dhaliye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

(fiis.) Qalab awoodda mekaanikaad u beddela awoodda danabka. Warshadaha danabka, waxa ay soo saaraan qulqul talantaali ah, waxana la yidhaahdaa talantaaliye.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaliye

batoojin [m.l]
(daaw.) eeg noole jirro dhaliye.

daynabo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.

habdhaqaaq [m.l]
(fiis.) eeg isle'egta socodka. Qaybta mekaanikada ee la xiriirta socodka walxaha, taas oo aan lagu tixgelinin xoogaggii dhaliyey socodkaasi.

khabaarsi [m.l]
Dhibaato ay dhaliyeen col iyo abaar. ld khabarsasho.

lid-jidh-dhaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.

noole jirro-dhaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Jeermi sida baktiiriyada ku dul noolaada xoolo ama geed ama qof oo cudur u keena.

qumiyeyn [m.dh]
(fiis.) Habka qulqul quman looga dhalin karo qulqul talantaaliya oo ka imanaya dhaliye danab.

shacaab-dhaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(c.nafl) Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhin-to, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.

shacaab-taxan [m.l] (-bab ..., m.l)
(c.nafl.) Silsilad dhadhaabeed oo jiifta badda ama badda agteeda, oo badanaa ka samaysan shacaabi dhaliye aad u tiro badan.

dhali [m.l]
Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka.

dhali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dheddig foolanaya ilmo ka soo qabasho. 2. Ciyaar kubbadeed dhibco ka keenid (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg