dhallaan
(m.l)

Carruur yaryar; ilmo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhallaan

abab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Ubad xoolaad daaq barasho. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm ku barbaarin. ld abaab².

ababi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ubad xoolaad daaq barid. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm barid. ld abaabi.

barbaariye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.

buqul [m.l] (-llo, m.dh)
Haruub yar oo dhallaanka caanaha lagu siiyo; dhoqol.

buqul [m.dh]
Dhiil yar oo caanaha loogu shubo dhallaanka; dhoqol.

dhal [m.l] (-lal/-llal, m.l)
1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.

dhalaandhuux [m.l]
(bot.) Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. ld dhallaandhuux.

dhallaamee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
Saansaan dhallaan isu yeelid; iscarruurayn.

dhallaanciil [m.l]
Muddo sannad ka yar oo qof da'diisa lagu tirsho. ld dhallinciil.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg