dhallinyar
(m.dh)Dadka inta da'dooda u dhexeyso gaashaanqaad ilaa garmadoobe. ld dhallinyaraan.
dhallinyar
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-raa, -rayd)Qof da'diisu yartahay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhallinyar ↴
yoolyool [m.l]
1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maa-lintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. ld yoolyoolid.
alaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dhallinyar, waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.
barbaar [m.l] (-rro, m.dh)
Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
caraatan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Kaftan suugaantiisu sarreyso laba dhallinyaro (wiil iyo gabar) ama ka badan isdhaafsasho.
cayaar [m.dh] (-ro, m.dh)
1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iwm. 4. Kaftan aan run ahayn. ld ciyaar¹.
cuud [m.l]
1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood.
dhallinyaraan [m.f.dh]
eeg dhallinyar². ld dhallinyar¹, dhallinyaraansho, dhallinyari.
dhallinyaraansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhallinyaraan.