dhallinyaro
(m.dh)ld dhallinyaraan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhallinyaro ↴
barbaar [m.l] (-rro, m.dh)
Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
caraatan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Kaftan suugaantiisu sarreyso laba dhallinyaro (wiil iyo gabar) ama ka badan isdhaafsasho.
dhallinyaroobid [m.f.dh]
eeg dhallinyarow.
dhallinyarow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dhallinyar noqosho.
jeegaxiir [m.l]
1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (-rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.
laqmo [m.l]
1. Rabsho badan (qof dhallinyar). 2. Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
miyirso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Suuxdin ama wax kale oo caqliga dooriya kaddib miyir yeelasho. 2. Qof dhallinyaro ah oo fudud xasilid. 3. Qof sarkhaanay saaxi naqosho. ld miirso.
shabaab [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
shir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel daloosha daboolid. 2. (f.g) Gabar la guday tolid. 3. (f.mg) Dad badan si ay uga wada hadlaan arrimo u dan ah meel ku kulmid. 4. (f.mg) Dhallinyaro cayaarta shirka dhee-lid.