dhalo
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
dhalo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ashay, -alatay)1. Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho. 2. Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho. 3. Wax aan horay u jirin, abuurmid. Tus. “Kacaan baa dhashay”. 4. Kubbad lagu ciyaarayo shabaq gelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalo ↴
nacala-abuugto [m.dh]
Farshiid; dhalo yar.
oodaale [m.l]
Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
yagcar [m.dh]
(bot.) Geedka mayddiga dhalo.
afdhalow [m.l]
Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. ld afgorofow.
awrdhal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Awrka markastaba hasha qurbac ka dhalo. 2. Hal da' kasta qurbac dhasha. ld awradhale.
bakeeri [m.l] (-iyo, m.dh)
Weel dhalo ka samaysan oo sida badan shaah lagu cabbo oo aan dhego lahayn. ld bekeeri.
baso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.
biladdaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.
cudbi [m.l]
Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf.
daal [m.l]
1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.