dhambaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iwm isu diraan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhambaal

boosto [m.dh]
1. Maamul dawladeed oo ku jaadan waraaqaha, dhambaallada iwm oo la isu diro qaybintooda iyo isgaarsiintooda. 2. Xafiisyada iyo rugta hawlahaas lagu qabto.

dhambaalside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. ld dhambaalwade, dhambaalwale.

dhambaalwade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
ld dhambaalside.

dhambaalwale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
ld dhambaalside.

ergo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. eeg ergey. 2. Dhambaal nabad lagu doonayo.

maayliin [m.dh] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Lakab ka samaysan walxo dux ah oo ku wareegsan, danabeed ahaan ugu dahaadhan dhambaal, dire unugyada lafdhabarleyda badankeeda iyo unug dareenwadaha qaar ka mid ah lafdhabarla'da. ld mayliin.

risaalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Sharci diini ah oo Alle u soo dejiyo in dadku ku dhaqmaan Ilaahna ku caabudaan. 2. Dhambaal. ld risaalad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg