dhammayn
(m.f.dh)eeg dhammee. ld dhammays.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhammayn ↴
xaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel yaal mar wada qaadid. 2. Wax wada dhammayn.
naaqus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Wax yaraaday noqosho. 2. Qof aan dhammayn noqosho. ld naaqis².
waalli [m.dh]
(daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.
dariir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Laf hilib ka dhammayn.
deebi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.
dhammays [m.l]
1. Dh. ah: ilmo shinkiisii ku dhashay. 2. Dh. ah: qof laxaad weyn. 3. ld dhammayn.
dhiman [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-inmay, -imantay; -inmi)
1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. 2. Qof waalan noqosho.
dhiman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho. 2. Qof waalan ahaansho.
dhimman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-manaa, -manayd/-minnaa, -minnayd)
Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho.