dhan
(m.l)1. Dhinac, gees. 2. Erey lagu isticmaalo ereyada lammane ah oo cabbidda micneeya. Tus. “Caana dh.”.
dhan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-amay, -antay; -ami)Caano cabbid.
dhan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-ammaa, -ammayd)Wax aan wax ka dhinnayn ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhan ↴
aadami [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. ld aadane, aadmi. aadane, aadmi
baacug [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.
caaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
caalami [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.
gaafo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.
gaal [m.l] (-lo, m.dh)
1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). faranji
gaalis-xidhan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
jaan [m.l]
1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
jabdhan [m.l] (-nno, m.dh)
Hilib solay ah oo googo'an.