dhantaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

Cid wax ka maarmiddoodu dhib ku tahay ka reebid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhantaal

waalli [m.dh]
1. Cudur kasta oo kartida wax lagu kala garto baabi'iya, dhantaala ama wax u dhima. 2. (-iyo, ml.) Gogol ka samaysan weylo yaryar hargahooda layskuna tolo; weylaalis.

dhantaalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
Wax la dhantaalay noqosho.

dhantaalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la dhantaalay ahaansho.

dhantaalid [m.f.dh]
eeg dhantaal².

dhantaalmid [m.f.dh]
eeg dhantaalan¹.

dhantaalnaan [m.f.dh]
eeg dhantaalan². ld dhantaalnaansho.

dhantaalnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhantaalnaan.

jiis [m.l] (-sas, m.l)
1. Qof lugaha middood wax ka qaba oo socodkiisu dhantaalan-yahay; laangarre. 2. Dhasha yaryar ee lab-ka ah ee sagaarada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg