dhaqaaji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqaaji ↴
barabbax [m.l]
(fiis.) 1. (dareere) Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere. 2. (Socod) Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.
baraf-dhalaal [m.l]
(jool.) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.
buufiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.
calool-jilciye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
dareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.
dhaqaajin [m.f.dh]
eeg dhaqaaji.
dhaqaajis [m.l]
ld dhaqaajin.
hingo [m.dh]
Neef si xoog leh dhuunta dadka u soo marta oo qaarka sare dhaqaajisa. ld higgo¹, hungo (2).
hinqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax taageero yar oo kicin kara, ama dhaqaajin kara siin.