dhaqaajin
(m.f.dh)

eeg dhaqaaji.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqaajin

barabbax [m.l]
(fiis.) 1. (dareere) Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere. 2. (Socod) Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.

baraf-dhalaal [m.l]
(jool.) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.

calool-jilciye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.

dareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.

dhaqaajis [m.l]
ld dhaqaajin.

hinqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax taageero yar oo kicin kara, ama dhaqaajin kara siin.

huleeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka h.: cid wax ay lahayd ka dhaqaajin iyadoo xoog lagu muquuninayo.

injiin-dhuundhas [m.l]
(fiis.) Injiinka dayuurad ee loo isticmaalo in uu dhaliyo dhaqaajin dhuundhaas. Eeg dhuundhas.

kayd-faraq [m.l] (-dad ..., m.l)
(fiis.) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg