dhaqaale
(m.l)

1. Hanti. 2. Habka hanti loo maamulo. 3. Aragtida wax soo saarka iyo qaybinta hantida. ld dhaqaalo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqaale

baadibixiye [m.l]
Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.

naafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.

tabaalaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax dhibaato dhaqaale hayso ahaansho. 2. Qof daal badani hayo ahaansho.

ummad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. 2. Dad.

yamxeeri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.

balambam [m.l]
(kiim.) Summad: Pb. Curiye cufan oo bir jilicsan ah, midabkiisuna yahay boor furan. Waa curiyaha shanaad ee ururka IV ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa uu ku jiraa macdan kala duwan, hasayeeshee, waxyar ayaa dhaqaale ahaan waxtar leh. Kuwa ugu muhumsani wa a galiina (Pbs), angalisayt (Pbso), litaraj (Pbo), iyo siirusayt (PbCO ).

barwaaqasooran [m.l]
Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.

bayhoof [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Qurbe dhibaato kala kulmid; qof busaarad, rafaad iyo dhibaato dhaqaale la kulmid.

beegso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof qiimo ama dhaqaale dheeraad ah leh isla simid.

borobogaanda [m.dh]
(siyaa.) War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg