dhaqan
(m.l)

1. Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed. 2. Asluub.

dhaqan
(m.l) (-nno, m.dh)

(bul.) Mid ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay sameeysteen ama ay wadaagaan mujtamaca gaar ah.

dhaqan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qmay, -qantay; -qmi)

1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan.

dhaqan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-qnaa, -qnayd)

1. Dhar iwm wax la meyray ahaansho. 2. Nafley wax ladan ahaansho. 3. Ku dh.: wax meel ku nool ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqan

aadaab [m.dh]
1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.

aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).

caado [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. dhibaad, xiso, xayl

caag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Ka c.: gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'id.

caaggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.

edebyeelo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-eeshay, -eelatay)
Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.

gaado [m.l]
Asluub; dhaqan. asluub, dhaqan

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

orgobbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Shabeel lab oo qooqan oo dad cun ah. 2. Qof dhaqan bahal leh.

qaanuun [m.l] (-nno/qawaaniin, m.dh)
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.

dhaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Wax biyo ku nadiifin. 2. Si wanaagaan wax u maamulid. 3. Wax meel fog geyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg