dhaqanguur
(m.l)

1. Dhaqan, dhaqan kale oo ka xoog badan dumiyey. 2. ld dhaqanguurid.

dhaqanguur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqanguur

dhaqanguuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Bulsho, dhaqanguur ku ridid.

dhaqanguurid [m.f.dh]
eeg dhaqanguur². ld dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².

dhaqanguurin [m.f.dh]
eeg dhaqanguuri. ld dhaqanguuris¹.

dhaqanguuris [m.l]
ld dhaqanguurin.

dhaqanguuris [m.dh]
ld dhaqanguurid.

dhaqanwareeji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid dhaqanguur ku ridid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg