dhar
(m.l)1. Nooc huga ka mid ah, cudbi, dhogor, xariir iwm ka samaysan oo dad ku xirto ama huwado. 2. Lebbis.
dhar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)1. Caleen, ubax iwm nafaqo ama biyo la'aan awgeed la duubmid. 2. Wax haryuub leh ahaansho. ld dhad (1).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhar ↴
daabac [m.l]
1. Duub dun ah oo maryaha lagu
xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid
daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.
saabbuun [m.dh]
Xayr iyo maadooyin kale oo la
isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun. saabuun
saabbuunmadow [m.dh]
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.
saabbuunmaris [m.l]
Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
baaf [m.l] (-faf, m.l)
Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
daabece [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.
kaaki [m.l]
1. Midab u dhow casuuraa. 2. Dhar adag oo badanaa askartu xirato.