dharaar
(m.dh) (-ro, m.l)

1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dharaar

maalinsocod [m.l]
1. Fogaan dhan in qof socod ku gaari karo hal maalin. 2. Socod dharaarta la sameeyo.

beri [m.l]
1. Waqti aan xaddidnayn ee la soo dhaafay; waa; jeer; seben. 2.(-iyo m.dh) Dharaar iyo habeenkeeda. 3. B.ga: maanta.

dharaarad [m.l]
1. Qado. 2. ld dharaarasho.

dharaarasho [m.f.dh]
eeg dharaaro. ld dharaarad (2).

dharaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qado siin.

dharaarin [m.l]
Duleed.

dharaarin [m.f.dh]
eeg dharaari.

dharaarmaal [m.l]
1. Maalidda xoolaha maalin weyn la maalo. 2. D. ah: qof si tuugo ah xoolaha maalintii u maala. 3. ld dharaarmaalid.

dharaarmaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Xoolo maalin weyn lisid. 2. Xoolo si tuugannimo ah maalin u maalid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg