dharbaaxo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Sacab furan oo si xoog leh wax loogu dhufto. ld dharbaax¹, dhirbaax¹, dhirbaaxo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dharbaaxo

bac [m.dh] (-cyo, m.l)
1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.

bash [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. Biyo b. ka sii: biyo ku firdhin. 2. Dharbaaxo b. ka sii: si kedis ah dharbaaxo qof ugu dhufasho.

dhabannaanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid.

dharbaax [m.dh]
ld dharbaaxo.

dharbaax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Wax dharbaaxo ku dhufasho. ld dharbaaxee, dhirbaax², dhirbaaxee.

dhirbaax [m.dh]
ld dharbaaxo.

dhirbaaxo [m.dh]
ld dharbaaxo.

fuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel ku dheggan rujin. 2. Dharbaaxo f.: qof dhabanaanayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg