dhimir
(m.l)Maan; garaad; caqli. ld dhimiro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhimir ↴
saaykoolojiyadda [m.dh]
(daaw.) Barasho cilmiyeed oo kusaabsan dhimirka (maan-ka) bani-adaamka iyo qaabka dabeecada dadka.
waalli [m.dh]
(daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.
baaranooya [m.dh]
(daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
dhimir-daaweyn [m.dh]
(daaw.) Hab daaweyn lagu daweeyo isbeddellada dhimirka ku dhaca iyo cuqdada.
dhimiro [m.dh]
ld dhimir.
jirro-dhimireed [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
neeuroosis [m.l]
(c.naf.) Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.
suruciyo [m.dh]
Jirrooyinka dhimirka nooc ka mid ah oo dadka ka gariirsiiya. ld suruciye.