dhimman
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-manaa, -manayd/-minnaa, -minnayd)

Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhimman

naafo [m.dh]
Awood la'an kaamil ah ama dhimman uu qof naafo ah u yeelan karo hawlaha xagga bulshada ama xagga shaqada.

Alle [m.l]
(dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.

dhaandhaan [m.l]
Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin.

dhaandhaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin noqosho.

dhabqalallo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Dh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir.

dhimmanaan [m.f.dh]
eeg dhimman. ld dhimmanaansho, dhinnaan, dhinnaan- sho.

dhimmanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg dhimmanow. ld dhimmanaan.

dhimmanaasho [m.dh]
(daaw.) Xaalad uu koritaanka maskaxdu horay u joogsatay ama ay maskaxdu si aan dhammayn u kortay.

dhimmanow [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-naaday, -naatay)
Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. ld dhinnow.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg