dhinacee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-ceeyay, -caysay)Dhinac marid ama xigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhinacee ↴
afarsuulle [m.l]
Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.
dacal [m.dh] (-lo, m.l)
Summad xoolaha loo yeelo oo dhegta dhinaceeda hoose la jeexo.
dhadhiin [m.dh] (-nno, m.l)
Meel buur dhinaceed ah oo biyo ka soo baxaan.
dhambac [m.dh] (-cyo, m.l)
Buur dhinaceeda hoose.
dhinacayn [m.f.dh]
eeg dhinacee.
iil [m.l] (-lal, m.l)
Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.
ilqooreed [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(c.nafl.) Isha dhinaceeda dambe oo dhegta xiga. ld ilqoor, ilqooraad.
kor-ood [m.l]
Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.
dhinac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.