dhiree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -raysay)1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iwm ku darid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiree ↴
baamiye [m.l]
Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
dhirayn [m.f.dh]
eeg dhiree.
miiq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. (c.nafl.) Dhisme kala jaadjaad ah oo duno oo kale ah oo laga helo jidhka xayawaanka, sida miiqyada muruqyada, miiqyada dareenwadka, ama miiqyo kollayiin. 2. (baay.) Unug dhireed dheeraaday oo gidaaradiisa ay adkaysay xabag ku dahaadhani.
dhir [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg