dhirir
(m.l)Mugga sacab fidsan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhirir ↴
dhereri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhirirkiisa cabirid. 2. Bawd, derbi iwm dherer u raacid.
dhigdhexo [m.dh]
1. Dhig weyn oo bartamaha aqalka miyiga marka ladhisaayo lagu dhiririyo. 2. (juqr.) Xariiqaha dhulka cirifkiisa waqooyi ka bilowda oo kan koonfur ku dhammaada, mid ka mid ah oo waqtiga lagu qiyaaso.
dhirirtayn [m.f.dh]
eeg dhirirtee.
dhirirtaysasho [m.f.dh]
eeg dhirirtayso. ld dhirirtaysi.
dhirirtaysi [m.l]
ld dhirirtaysasho.
dhirirtayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Badar sacab ku qaybsasho.
dhirirtee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -teysay)
Badar sacab ku qaybin.
qoryo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-yaday, -yatay)
Qoryo dhirirkooda kala duwan ku qorituurasho (xoolo saanyasho darteed iwm).
dhir [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.