dhis
(m.l)1. Dh. ah: harag iwm la togay. 2. ld dhigid.
dhis
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso.
dhis
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)1. Aqal, dugsi, iwm samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhis ↴
aajur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.
u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
waab [m.l] (-bad, m.l/waab, m.dh)
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.
waab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Geed, dhisme aan hoos fiican lahayn wax korka kaga dedid.
kaabad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dhismo yar oo dhulka ka kacsan. 2. Buundo. buundo
taadhisaar [m.l]
Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.
taadhisaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.
waabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Waab dhisasho. 2. Ka w.: nabar kugu soo socda ka
gabasho ama wax halis ah dib uga noqosho.