dhisme
(m.l)Dhismo shay sida, waddan, mujtamac, ama ururo salkoodu uu yahay, sida hawlaha kala duwan ee ay qabtaan, iyo qalabka loo baahan in lagu fuliyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhisme ↴
waab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Geed, dhisme aan hoos fiican lahayn wax korka kaga dedid.
gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
qaawan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho.
raardhisme [m.l]
Raar weyn oo loo sameeyo in aqalka lagu dado.
araari [m.dh]
Wadiiqo yar oo u dhexeysa laba dhisme, laba beerood, ama laba xero iwm.
buundo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhisme laga dul dhiso webi iwm oo lagaga gudbo. 2. Dhibic, darajo. ld buunto.
dar [m.l] (-rar, m.l)
1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.
dargad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. ld daragad.
dumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dhisme burburin. 2. Dhisme furfurid.
dhis [m.l]
1. Dh. ah: harag iwm la togay. 2. ld dhigid.
dhis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso.
dhis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Aqal, dugsi, iwm samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin.