dhoobo
(m.dh)Ciid budo ah, qoyan oo is haysata.
dhoobo
(m.dh)(jool.) Nooc ciidda ka mid ah oo ah budo khafiifa, oo ah ma habe. Dhoobadu waxay noqotaa balaastig marka biyo lagu daro. Dhoobadu waxay ka koobantahay dhadhaabo-lakabeed iyo aluminiya.
dhoobo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-btay, -batay)1. Meel istuumin (xoolo, dad iwm). 2. Waabaayo marsasho (fallaar). 3. Dhis (guri iwm) salaaxasho. 4. Wax dhoobo marsasho. 5. Dheri iwm dhoobo ka samaysasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoobo ↴
aajur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.
idan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin. dabqaad, idin
naanni [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Meel la dhisay oo dhoobo laga sameyey oo marka xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo, berked yar; dar.
uuro [m.dh]
1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.
aashuun [m.l] (-uummo/-uunno, m.dh)
Weel tebedda u eg, dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto. ld ashuun.
calow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
calow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lway, -lowday; -lwi)
Biyo, dhoobo ku qasmid.
cammuud [m.dh]
Ciid jilicsan oo aan lahayn habaas, dhoobo iyo dhagax.
cariish [m.l] (-shyo/carshaan, m.dh)
Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin.
dabqaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Qalab yar oo sida badan dhagax jilicsan ama dhoobo ka samayan oo fooxa lagu shito.