dhoof
(m.l)

1. (-faf, m.l) Dalka oo dibadda laga aado. 2. (-faf, m.l) Badeeco dibadda laga keeno. 3. ld dhoofid.

dhoof
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Ku dh.: dal dibad ka aadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoof

tacabbir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Dal kale u dhoofid si shaqo looga helo. 2. Haajir.

asyab [m.l]
1. Dabaylo ka yimaada waqooyi-bari oo doonyuhu uga dhoofaan koonfur-galbeed. 2. Xilliga dabeylaha asyabku dhacaan. ld asjab.

badxir [m.l]
Xilliga baddu kacsantahay oo ayan dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. ld badxidhan.

barimarsi [m.l]
Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.

dabacadde [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le'eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.

dhoofi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof dal kale u dirid. 2. Badeeco dal kale u iibgeyn.

dhoofid [m.f.dh]
eeg dhoof². ld dhoof¹ (3).

dhoofin [m.f.dh]
eeg dhoofi. ld dhoofis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg