dhoofi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Qof dal kale u dirid. 2. Badeeco dal kale u iibgeyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoofi ↴
tacabbir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Dal kale u dhoofid si shaqo looga helo. 2. Haajir.
badxir [m.l]
Xilliga baddu kacsantahay oo ayan dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. ld badxidhan.
barimarsi [m.l]
Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
dabacadde [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le'eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.
dhoof [m.l]
1. (-faf, m.l) Dalka oo dibadda laga aado. 2. (-faf, m.l) Badeeco dibadda laga keeno. 3. ld dhoofid.
dhoofid [m.f.dh]
eeg dhoof². ld dhoof¹ (3).
dhoofin [m.f.dh]
eeg dhoofi. ld dhoofis.
dhoofis [m.l]
ld dhoofin.
dhoofiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof badeeco dal kale u iibgeeya.