dhool
(m.l) (-llo, m.dh)

Foodda sare, oo cad ee daruur da'aysa.

dhool
(m.dh)

1. Ilkaha foolasha iyo miciyaha u dhexeeya midkooda. 2. Masaar yar oo geedaha yaryar lagu gooyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhool

baldhoole [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.

dhalandhool [m.l]
Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. ld dhalandhoolid.

dhalandhool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
Qorrax kulul ku socosho; baqoolid.

dhalandhooli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qorrax kulul ku socodsiin.

dhalandhoolid [m.f.dh]
eeg dhalandhool². ld dhalandhool¹.

dhalandhoolin [m.f.dh]
eeg dhalandhooli. ld dhalandhoolis.

dhalandhoolis [m.l]
ld dhalandhoolin.

dhoolaal [m.l]
Dh. ah: orgi ama dibi doolaalo tagay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg