dhoollatus
(m.l)

1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis. 4. ld dhoollatusid.

dhoollatus
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. ld dhoollatuso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoollatus

dhoollatusad [m.l]
ld dhoollatusid.

dhoollatusasho [m.dh]
ld dhoollatusid.

dhoollatusid [m.f.dh]
eeg dhoollatus². ld dhoollatus¹ (4), dhoollatusad, dhoolla-tusasho.

dhoollatuso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
ld dhoollatus².

garmaame [m.l]
1. Orod iyo durduro farduhu sameeyaan waqtiga barwaaqada ah. 2. Dhoollatusad. 3. ld garmaamay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg