dhulbar
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

Xarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. ld dhulbare.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhulbar

badhe [m.l] (-dhayaal, m.l/dh)
(juqr.) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.

dhulbaraf [m.l]
Dhul baraf si joogto ah u fadhiyo.

dhulbare [m.l]
ld dhulbar.

kulaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Dhulka u dhexeeya labada lool ee dhulbaraha hareeraha ka mara cimiladiisuna kulu-shahay.

lammaane [m.l]
(nax.) Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”. Lammaane = la iyo maan halka e-da danbena ay tahay mid sheegaysa adkaanshiyo sida wax isku naban, isku sudkan. Tusaale: “Waa baahi ka dhaxeysa laba shakhsi si ay isku dhameystiraan” lamaane

lool [m.l] (-lal, m.l)
1. Jaad ka mid ah dhigaha aqalada miyiga lagu dhiso. 2. Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo. 3. Xarriiq dhulka gudub u gooysa oo la siman dhulbaraha. 4. ld laal¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg