dhuro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)

1. (f.g) Hoore weel ku shubasho iyadoo weel yar la dardarayo. 2. (f.mg) U dh.: dhaqan ama dabeecad ciddiisu hidde u lahayd la soo bixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuro

banduul [m.l]
Meel doonyaha dhexdooda ku taal oo loo sameeyo inay biyuhu ku soo uruuraan si looga dhuro.

dhuraal [m.l]
Ceel biyo yarood ah oo in qof la geliyo oo uu biyaha soo dhuro mooyee aan si kale looga cabbin.

dhuraal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Dh. ah: ceel biyo yarood ah oo aan wadaamaha la dardari karin. 2. Dhuridda biyo weel lagu dhuro iyadoo meel kale lagu shubayo.

dhurasho [m.f.dh]
eeg dhuro.

dhure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Fandhaal weyn. 2. Weel kasta oo wax lagu dhuro.

dhuroobid [m.f.dh]
eeg dhurow².

dhurow [m.l]
1. Liibaan; khayr. 2. ld dhuroobid.

dhurow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Liibaan, taran, khayr iwm helid (qof).

saliifad [m.dh] (-do, m.l)
Weel yar oo qori ah oo biyaha looga dhuro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg