dhuuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax si xoog ah gacanta ugu qabasho. 2. Wax meel ku adkeyn. Tus. “Foostada furka ku dhuuji”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuuji

adkee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Wax adag ka dhigid (wax). 2. Gunti, xarig iwm si aad ah u dhuujin.

burshintuur [m.l]
1. Xarig yar oo lagu dhuujiyo faruurta kore ee geela si uu socodka u dheereeyo. 2. ld burshintuurid.

burshintuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. ld bushintuur².

camandhuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld camajuuji.

camandhuujin [m.dh]
ld camajuujin.

dameeradhuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof dameeradhuujo ku qabasho.

dameeradhuujin [m.f.dh]
eeg dameeradhuuji.

dhuujin [m.f.dh]
eeg dhuuji. ld dhuujis.

dhuujis [m.l]
ld dhuujin.

dhuu [m.l] (-uuyo, m.dh)
Harag jilicsan oo waayadii hore dhar laga dhigan jiray. ld dhugi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg