di'i
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Roob keenid (Ilaah).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh di'i

raayo [m.dh]
1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.

agow [Erey Dareen | Exclamation]
Hadday u yaraato; xataa. Tus. “Agow ii ahaateenaa!”; “Agow roob di'i lahaayaa.”

an [qr.diid]
ld aan². ana qr. Hadday u yaraato; haddaan wax kale jirin; agow; xataa. Tus. “Ana ii ahaateenaa!”; “Ana roob di'i lahaayaa!” ld anaa².

barbardi'id [m.f.dh]
eeg barbarda'².

cadh [m.dh]
Dhibco-dhibcaha ka soo horreeya daruur markaas di'id bilaabaysa.

curo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid.

daruurnugul [m.dh]
Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.

deyraan [m.l]
Dabaysha, firada, heerka iwm oo ka soo hormara roob di'i raba.

di'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Roob keenid (Ilaah).

di'id [m.f.dh]
eeg da'. ld di'is, di'itaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg