dibin
(m.dh) (-bno, m.l)Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. ld debin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dibin ↴
debin [m.dh]
ld dibin.
dibindaabyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Wax dibindaabyo u geysasho.
dibindaabyeyn [m.f.dh]
eeg dibindaabyee.
dibindaabyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Waxyeello. 2. Khayaano.
dibin-siilka [m.dh] (-bno ..., m.l)
(c.nafl.) Xubinta galmada ee dumarka qaybteeda dibadeysa. Laba joog oo faruuryo ah oo kala ah dibnaha waaweyn iyo dibnaha yaryar waxay daboolaan daloolka siilka, daloolka kaadimareenka kintirkana horay bay u leexiyan.
luggooyo [m.dh]
Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. ld luggoyn.
dib [m.l] (-bab, m.l)
Dhabarka xoolaha qaarkiisa danbe (hilib). ld dub¹.
dib [m.dh.fk]
1. Gadaal. 2. Ka 0 d./kadd.: xagga dambe ka xiga.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg