dicaayad
(m.dh)1. War aan sal iyo baar lahayn oo cid laga fidiyo iyadoo lagu caayayo. 2. War aad u badan oo cid wax gaar ahaaneed looga dhaadhicinayo. ld dacaayad, dacaayo, dicaayo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dicaayad ↴
borobogaanda [m.dh]
(siyaa.) War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.
dacaayad [m.dh]
ld dicaayad.
dacaayadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay,-deysay)
ld dicaayadee.
dacaayadeyn [m.dh]
ld dicaayadeyn.
dacaayo [m.dh]
ld dicaayad.
dicaayadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Cid dicaayad ka sheegid. ld dacaayadee.
dicaayadeyn [m.f.dh]
eeg dicaayadee. ld dacaayadeyn.
shuushuule [m.l]
Sh. ah: qof xan badan oo dadka hoos ka dicaayadeeya.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg