digrii
(m.l)Darajo.
digrii
(m.l)1. (fiis.) Halbeegga heerkulka oo la doorsooma kolba qiyaasta la adeegsanayo, sida santigireedh ama feeranhayt. 2. (juqr.) Halbeegga loolka ama dhigaha ee la adeegsado si loo muujiyo meel ka mid ah dhulka dushiisa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh digrii ↴
cabbire-selsiyas [m.l] (-rayaal ..., m.l/dh)
(fiis.) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
kulqaad [m.l]
(fiis.) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).
kulqaad-gaar [m.l]
(fiis.) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
mayl-juqraafi [m.l] (-lal ..., m.l)
(juqr.) Cabbir dherer oo la mid ah hal lixdameedka digrii ama hal daqiiqo ee lool; dabcan wuu isla beddelaa loolka, laakiin ugu dhawaan wuxuu la egyahay cabbirkaasi 6,080 cagood, cabbirkanina waa midka guud ahaan la aqbalsanyahay.
weheliyaha fididda dhererka [m.l] (-yayaal ..., m.l/dh)
(fiis.) Summad a. Korodhka dhererka adke ee hal halbeeg oo dherer ah, marka heerkulku kor u kaco hal digrii. Selsiyas (1 C°), cadaadiskuna yahay madoorsoome.