digtoonow
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-naaday, -naatay)

1. Qof diyaar u ah wax uu filayo noqosho. 2. (millatari) Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si siman isu garab yaalliin noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh digtoonow

digtoonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg digtoonow. ld digtoonaan.

jir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.

digtoon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg