diiddan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Codsi, amar, siismo iwm wax ku gacan sayray ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diiddan ↴
oggol [m.l]
1. O. ah: cid aan wax diiddanayn.
2. Neef irmaan oo ubad waliba nuugo;
hebed.
oggol [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-laa, -layd)
1. Wax aan wax diiddanayn ahaansho. 2. Wax, wax kale ka hela ahaansho.
laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.
yuur [m.dh]
Duubidda qof sarta wejiga duubo marka uu wax diiddanyahay
cagataallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid.
diiddanaan [m.f.dh]
eeg diiddan. ld diiddanaansho.
diiddanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld diiddanaan.
diidsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof diiddan ahaansho.
gadood [m.l]
1. Lo'gisi iwm weeyraxa ay sameeyaan. 2. Kacdoon dad badani sameeyaan, iyagoo si adag uga dhiidhiyaya wax ay diiddanyihiin. 3.ld gadoodid. ld gedaad¹, gedood¹, gidaad¹.