diiddo
(m.dh)Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diiddo ↴
afti [m.dh] (-iyo, m.l)
Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto.
amardiiddo [m.dh]
U hogaansanaan la'aanta amar la is faray. ld amardiidmo.
baloolley [m.dh]
1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.
caasi [m.l] (-iyaal/-iyiin/-iyo, m.dh)
1. Qof wixii Eebbe faray aan fulin. 2. Qof waalidkii aan addeecin. 3. Qof madax adag, diiddo badan.
dharas [m.l]
1. Diiddada hali diiddo in la maalo ama ilmaheedi nuugaan. 2. Hilib aad caato u ah; bantar. 3. Qof aad u karti yar. 4. Caro. 5. Dh. ah: nafley buuran laakiin jirkeeda dhad ku jiro (ido).
diiddooy [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).
diiddow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (lo').
hawldiiddo [m.dh]
Necbaanta hawsha la necbaado. ld hawldiid.
maddiiddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Wax lagu akhriyo haweeney la rabo in nin la oggoleysiiyo.
diid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Codsi, amar, siismo, iwm ku gacan sayrid.
diid [m.l]
Wareer lala dhaco tamardarro awgeed.
diid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Tamardarro awgeed la dhicid (qof).