diif
(m.dh)

Tamardarro, jiil, daal iwm oo jirka ka muuqda.

diif
(m.l)

Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab dartiis; siin. ld duuf¹ (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diif

uurrays [m.l]
1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.

caddidiif [m.dh]
Harag yar oo ka dillaaca ciddida labadeeda dhinac. ld ciddidiif.

cardiif [m.l]
Midab caddaan xigeen ah.

ciddidiif [m.dh]
Fulfullac yaryar oo uu yeesho hilibka ku wareegsan ciddiyaha. ld caddidiif.

daah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Raagid; dib u dhicid. 2. Ka soo d.: madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato.

dacas [m.l] (-syo, m.dh)
1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato.

darato [m.dh]
Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.

diifayn [m.f.dh]
eeg diifee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg