diil
(m.dh) (-lo, m.l)Dhabbo; jid.
diil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iilay, -iishay)Wax ciid, neef iwm ka buuxin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diil ↴
gaadoowe [m.l]
Kalluun xeebta aan ka fogaan oo leh diillimo dheerer ahaan ugu mardimaysan.
taaloog [m.l]
Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda.
yididdiilo [m.dh]
Rajo; himilo. ld hididdiilo.
badiil [m.l] (-llo, m.dh)
Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. ld badeel.
bardiil [m.dh]
Hanti la siiyo qof awood maamul leh si weji looga helo.
biciid [m.l]
Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah, leh midab dacar ah, geeso dhaadheer oo toosan, bogcad iyo labo diillimood oo madow oo dhinacyada ku yaal.
canfar [m.dh]
Neef ido ah oo canka diilliin cad ku leh.
dameerfarow [m.l]
Dameer weyn, banjoog ah oo leh midab diillimo caddaan iyo madow ah. ld farow.
deero [m.dh] (-ooyin, m.l)
Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
dermad [m.dh]
Gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah.