diin
(m.l) (-nan, m.l)

Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. ld diindiin.

diin
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-iimo, m.l)

1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.

diin
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-iimay, -iintay; -iimi)

1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid.

Tabadiin*

Tuunada Tabadiin (yellowfin Tuna) waa nooc ka mid ah tuunada (Tuna) oo laga helo biyaha caaryada ah ee kulaalayaasha iyo badaha kulaala hoose ee adduunka oo dhan.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diin

baabaha masiixiga [m.l (dii.)]
Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka. boobka

caabid [m.l] (-diin/-dyo, m.dh)
Caabid ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. ld caabud(1). caabud

jaahid [m.l] (-diin, m.dh)
Qof diinta islaamka u dagaallama.

jaahiliyad [m.dh]
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.

baadari [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi. baaderi

faajir [m.l] (-riin/-rro, m.dh)
Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.

faajirad [m.dh]
Naag wax diinta xaaraantimaysay samaysa.

idiin [m.dh]
Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.

kaafirad [m.dh] (-do, m.l)
(dii.) Haweenay aan diinta Islaamka rumeysnayn.

maaliki [m.dh]
(dii.) Afarta mad-habood oo waaweyn ee diinta Islaanka mid ka mid ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg