diirad
(m.dh) (-do, m.l)Aalad lagu kala garto jahooyinka, leh qaab sacadeed oo lagu hoggaamiyo maraakiibta.
diirad
(m.dh) (-do, m.l)(nax.) Marka uu qof hadlayo, weer kastoo ka mid ah warkiisa waxaa ka mid ah qayb uu si gaar ah u danaynayo, sidaas darteed hadluhu wuxuu adeegsadaa summad (baa/ayaa, waa) u baaqda dhegeystaha qaybtaas.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diirad ↴
baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta
ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u
diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma
Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld
aa¹, ayaa, yaa³. aa, ayaa, yaa
bandiirad [m.dh] (-do, m.l)
Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. ld bandiiro.
diiradayn [m.dh]
(nax.) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
diiradeeye [m.l]
(nax.) Qurubyada wax diiradeeya oo kala ah: “baa”/”ayaa”, “waa” (eeg qurub diiradeed).
jiheeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Aalad muujisa jahooyinka; diirad.
majare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Dhabbe ama xariiq maraakiibta ama dayuuradaha lagu wado. 2. Waddo la maro. 3. 32 xariiqood ee ku yaal diiradda dusheeda middood.
qun [m.l] (-uman, m.l)
1. Labada qanjir oo kulkulucsan oo afka salkiisa labada dhinac kaga yaal middood. 2. Xanuun qanjirrada afka salkiisa ku yaal ku dhaca; majin; majinow; xoqato. 3. Duleelka yar ee wax laga arko ee diiradda. 4. Si toos ah oo aan laalaabasho lahayn.
qurub [m.l] (-byo, m.dh)
(nax.) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: “ma” oo ah q. diidmo; “baa”/”ayaa”, “aa” oo ah q. diiradeed magac; “waa” oo ah q. diiradeed fal; “ma”, “miyaa” oo ah q. weyddiimeed.
diir [m.l]
Kulayl, uumi.
diir [m.l]
Dubka sare ee lafta geedka.
diir [m.dh]
ld diirdiir².
diir [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld digir².
diir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax in yar kululaansho. 2. Qof, in yar xanaaqid.
diir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Geed diir ka qaadid. 2. Wax qaawin.