diirane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)(xis.) Dhakhsaha isbeddelka ee fansaar marka loo eego doorsoomaha madax bannaan. Waxa kale loo yaqaan wehliyaha xigsineed ama fansaar diiran. .
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diirane ↴
abyin [m.l] (-nno, m.dh)
(xis.) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
abyineed aan hubnayn [m.l]
(xis.) Abyanka aan hubanayn ee fansaarka f(x) waa fansaar F(x) oo diiranihiisu leegyahay f(x). Waxa kale oo loo yaqaan lidka diirane; abyineed.
diirane-koowaad [m.l] (-nayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Fansaarka j = f(x) waa d. k. marka uu diiranihiisu yahay heerka koowaad, waxaana loo qoraa dy/dx ama f'(x).
heer-diirane [m.l]
(xis.) Inta jeer ee la sammeeyo xigsinaynta.
isle'eg-xigsiineed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(xis.) Xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
isle'eg-xigsineed ee heerka-labaad [m.dh] (-gyo .., m.dh)
(xis.) Isle'eg xigsineed oo ku jira diirane heerka labaad ah dy2/dx2. Ama jiro diirane ka sarreeya heerkan.
naasley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley.