diirdiir
(m.l) (-rro, m.dh)Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir
(m.dh)Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iwm. ld diir².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diirdiir ↴
diir [m.dh]
ld diirdiir².
diirdiirran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof firfircoon ahaansho.
diirdiirranaan [m.f.dh]
eeg diirdiirran. ld diirdiirranaansho.
diirdiirranaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld diirdiirranaan.
diirdiir-xariireed [m.dh]
Nooc diirdiirta ka mid ah oo dunta xariirta sameysa.
malaa'ig [m.dh]
1. Saddexda uun ee caanka ah, kan aan ahayn insiga iyo jinka oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray. 2. Heer ka mid ah koritaanka xasharaadka qaarkood oo u dhexeeya heerka diirdiirrada, lullumada iwm iyo heerka ugu dambeeyo ee ay gaaraan. 3. eeg malag¹.
xariir [m.dh]
1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.