dilaa
(m.l)

1. Qof ama bahal aad wax u laaya. 2. Cudur nafleyda safmar u dila. ld dile.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dilaa

gaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.

qaatil [m.l] (-liin, m.dh)
Qof dilaa ah.

ummuladdoox [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.

arooryohoraad [m.dh] (-ddo, m.dh)
Marka oogga waaberi dilaaco. ld aroorhoraad.

bahal [m.l] (-llo /-lo, m.dh)
1. Nafleyda inta dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah.

beerfarriije [m.l] (-jayaal, m.l/dh)
Geesi dilaa ah.

caddilaad [m.dh]
ld caddilid.

caddilaad [m.dh]
ld caddilid.

dhiigyacab [m.l] (-byo, m.dh)
Qof dadka laaya; dilaa. ld dhiigcab.

dil [m.l]
1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.

dil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg