dilan
(m.l)

1. Ilmo dhawr bilood ah oo uurka ku qoonmay. 2. Dhul mudda badan la daaqaayay oo xaalufay. 3. ld dilmid.

dilan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lmay, -lantay; -lmi)

1. Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geryoomid. 2. Ilmo dhawr bilood ah uur ku qoonmid.

dilan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

1. Wax la qurgooyay ahaansho (nafley).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dilan

caddilan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
Wax la caddilay noqosho.

caddilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la caddilay ahaansho.

dilmid [m.f.dh]
eeg dilan². ld dilan¹ (3).

dilnaan [m.f.dh]
eeg dilan³. ld dilnaansho.

hadoodilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax dusha laga dedey si har loogu yeelo ahaansho. ld hadoodillan.

dil [m.l]
1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.

dil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg