dildil
(m.dh) (-lo, m.l)

Summad geela lagu dhigo oo ah alif jiif ahaan caloosha loogu jiido.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dildil

bacran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wax dildilaac yeeshay noqosho (muraayad, laf, derbi iwm).

bacran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax dildilaac yeeshay ahaansho (muraayad, laf, derbi iwm).

car [m.l]
1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir.

dharabow [m.l]
Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.

dhulgariir [m.l] (-rro, m.dh)
Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.

diindiin [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: dhar aad u duugoobay oo si sahlan u dildillaaci kara.

diindiin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iimay, -iintay; -iimi)
Si sahlan u dildillaacid (dhar aad u duugoobay).

dildillaac [m.l]
Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iwm.

dildillaac [m.l]
(jool.) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg