diq
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)1. Raad badan. 2. D. ah: meel wax badan la dagganaa oo ciiddeedu xumaatay. 3. D. ah: biyo dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddeleen.
diq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)1. Ku d.: meel cagta ku badin (xoolo, ugaar iwm). 2. Ka d.: wax aad u nicid. 3. D. ah: weel buuxa in kale ku ciriiriyid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diq ↴
baadiqaris [m.dh]
Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
kaadiqabad [m.l]
Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo kaadida ku xira. ld kaadi-qabsasho.
oodgeddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xero ama guri diqoobay meel u dhow u rarid (xoolo).
baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baalcas [m.l]
Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
baqti-afuuf [m.l]
1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. ld bakhti-afuuf¹.
dhuuryaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Ku dh.: cid ku fawfawlayn ama ku nuunaasid (cayayaanka duula sida diqsiga iwm).
diqaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo).
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).