diqsi
(m.l)ld duqsi, tixsi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diqsi ↴
baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baalcas [m.l]
Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
baqti-afuuf [m.l]
1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. ld bakhti-afuuf¹.
dhuuryaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Ku dh.: cid ku fawfawlayn ama ku nuunaasid (cayayaanka duula sida diqsiga iwm).
duqsi [m.l]
Cayayaan, duula, laba baal iyo lix addin leh, meelaha wasakhada ka dhasha oo ka qayb qaata faafinta cudurrada. ld daqsi, diqsi, tixsi.
gendi [m.l]
(c.nafl.) Diqsi weyn oo dhiigga dhuuqa oo laga helo Afrika kana tirsan qaybta “golossina” loo yaqaan “tsé-tsé” oo caarad dheer afka ku leh, maalintii ayuu naaslayda dhiigga ka dhuuqaa, waxayna u gudbiyaan deriskunool keena cudurka hurdada badan. ld gand.
diq [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Raad badan. 2. D. ah: meel wax badan la dagganaa oo ciiddeedu xumaatay. 3. D. ah: biyo dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddeleen.
diq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Ku d.: meel cagta ku badin (xoolo, ugaar iwm). 2. Ka d.: wax aad u nicid. 3. D. ah: weel buuxa in kale ku ciriiriyid.